Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo Kooxaha ka soo horjeeda ku eedeeyay in muuqaal xun ay u adeegsanayaan Diinta Islaamka.

Somalia's President Sheikh Sharif Ahmed 2

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Dowladda KMG  Soomaaliya Sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa Kooxaha ka soo horjeeda ku eedeeyay in muuqaal xun ay u adeegsanayaan Diinta Islaamka, isla markaana Haweenka ku qasbayaan Xijaabka.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa sheegay in qaab ganacsi ahaan Haweenka loogu qasbayo Dharka Xijaabka, isagoo tilmaamay in haweenka dariiqyada loo taagan yahay oo laga qaadayo sida uu yiri Ganaax qasab ah.

Madaxweyne Sheikh Shariif oo hadalkiisa sii wato waxaa uu yiri: “Waxaad ogtihiin nimanka naga soo horjeeda in dariiqyada u taagan yihiin Haweenkii Soomaaliyed oo qaab Ganacsi ahaan ugu qasbayaan Xijaabka, oo waliba nuuc iyaga u gaar ah in la qaato doonayaan”,  wuxuuna  intaa ku daray in Xijaabka uu yahay Waajib in Haweenka qaataan, laakiin sida Islaamiyiinta kula dhaqmayaan Haweenka ay tahay mid aan Shareecada Islaamka waafaqsaneyn.

Dhanka kale Madaxweyne Sheikh Shariif waxaa uu sheegay in Diinta ay sheegayaan ay tahay mid ay ka been sheegayaan, waxaana uu cadeeyay in dadka ay gowracayaan, argagixinayaan ayna afduubanayaan.

Sidoo kale Madaxweynaha oo ka hadlayay Munaasabad shalay Maamul cusub loogu dhawaaqayay Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu sheegay in haweenka dharka ay hada wataan ay tahay kuwo asturan oo Culimada ay isku waafaqeen.

Si kasta ha ahaatee hadalka weeraray siyaasadeed  ee Madaxweynaha ayaa ah mid  inta badan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladdiisa ay kula can dadweynaha waxa aan shareecada Islaamka qabin, haddii  uu qabana in waqi xaadarkan lagu fulin Karin.

 SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: