Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo ka war bixiyay howsha ugu soo horeysa ee uu qaban doono.

Muuqaalka Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir

Halkaan ka akhri

Warkii ugu horreeyey ee ka soo baxa Maamulka cusub ee loo dhisay gobolka Banaadir ayaa ka waramay in howsha ugu soo horeeysa ay qabanayaan ay tahay mid ay bulshada G/Banaadir u noqon doono waxtar weyn,

Sida aad la socotaan Shalay ayaa ahayd markii munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada dowladda KMG, lagu magacaabay maamulka cusub ee gobolka Banaadir gudoomiye loogu magacaabay C/risaaq Maxamed Nuur.

“Waxaan halkan ka balan qaadayaa in aan halkiisa ka sii wado dadaalkii uu waday maamulkii iga horeeyay, wax badan oo wanaag ahna ku daro ay ka mid tahay la dagaalanka saboolnimada,” ayuu yiri C/risaaq Maxamed Nuur (Nuune).

Sidoo kale C/risaaq Maxamed Nuur (Nuune), waxa uu cadeeyay in uu si aad ah uga shaqeyn doono wax ka qabashada saboolnimada ka taagan dalka gudahiisa, taasina uu kala tashan doono cid walba oo khuseysa.

Dhanka kale Maamulka cusub ee gudoomiyaha ka yahay C/risaaq Nuune ayaa sheegay in maalmo gudahood uu ku soo dhameystiri doono xubnaha ka dhiman maamulkiisa, si buu yiri loo sii ambaqaado howlaha horyaala maamulkiisa ay ugu soo horeyso wax ka qabashada dhibaatooyinka heysta bulshada.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: