Halkaan ka akhri
Wasiiradda Gaashaandhigga Dowladda Spain Carme Chacon gestures ayaa ku gacan seyrtay dalab uga yimid kooxda burcad badeeda ah uu afduubka u heysta dad u dhashay dalkaasi Spain.
Sida la wada ogsoon yahay Burcad badeeda ayaa  afduub u heystay saddex muwaadin Spanish ah ayaa waxaa ay sheegeen inay qudha ka jari doonaan hadii aan dowladda Spain fulin dalabkooda.
Hase yeeshee Burcad badeeda ayaa waxay dalbadeen in la daayo labo qof oo gacanta ku heyso dowladda Spain oo looga shakisan yahay falalka burcad badeednimada; waxaana wararku tilmaamayaan in burcad badeeda ay dhanka berriga ula dhaqaaqeen muwaadiniinta Spain.
Balse Haweynayda Wasiiradda ka ah Dowladda Spain Carme Chacon gestures oo ka jawaabaysa dalabkaas ayaa waxay sheegtay in aysan sii deyn doonin labada qof ee laga shakisan yahay, sida uu ka dhawaajiyay wasiir ka tirsan xukuumadda Spain.
Si kasta ha ahaatee arrintu waxay noqotay mid si aad ah ay u hadal hayaan warbaahinta caalamka, waxaana la’isweydiinayaa waxa xigi kara jawaabka ka soo baxday dowladda Spain.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.