Dagaalo Xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo galabta ka dhacay Waqooyiga Muqdisho.

dagaal-muqdisho

Halkaan ka akhri

Dagaalo Xoog badan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan  ayaa galabta ka dhacay qeybo ka mid ah Waqooyiga Muqdisho, halkaasoo ah goobaha ay wali ka furan yihiin aagaga iyo dhufeysyada dagaal, kadib dagaalo bilo ka hor saameeyay.

Dhanka kale dagaalkan ayaa la socday duqeymo aad u cuslaa ee mudooyinkan soo marin magaalada Muqdisho, waxaana uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga ka soo horjeeda ee mudada dhowrka bilood isku hor fadhiya halkaas.

Inkastoo aan si dhab loo ogeyn qasaaraha dagaalka ayaa hadana wararka qaar sheegayaan in ilaa saddex ruux ku dhinteen oo labo ka mid ah ay ahaayeen kuwo ku sugnaa Hoygooda oo Madfac ugu tagay.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagaalkan uu si xoogan ugu dhacay Degmooyinka Shibis, C/casiis iyo Boondheere ayaa ahaa mid Madaafiicda la isku adeegsanayay laga maqlayay xaafadaha kale ee Magaalada Muqdisho.

Balse ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo  ka soo baxay dhinacyadii uu galabta dagaalka ku dhex maray Waqooyiga Muqdisho, waxaana dagaaladan ay yihiin kuwo xiriir ah oo ka dhaca Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: