Xubno ka kala tirsan Baarlamaanka DKMG ah iyo ismaamulada Somaliland & Puntland oo lagu casuumay shir ka furmaya magaalada Jabuuti.

unaids-logo

Halkaan ka akhri

Xubno ka tirsan Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya iyo ismaamulada Somaliland & Puntland ayaa lagu casuumay shir ka furmaya magaalada Jabuuti, Shirkan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Barnaamijyada Horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP, waxa lagu martiqaaday 12 xubnood oo ka tirsan golaha Wakiillada iyo golaha Guurtida Maamulka S/land.

Sidoo kale Shirkan ayaa loogaga hadli doonaa sidii qorshe loogu dejin lahaa Dadka la nool xanuunka HIV/AIDS, waxa martiqaadka xubnaha Baarlamaanka ka tirsan loo maray qaab aan Shirguddoonada labada gole laga talogelin, iyadoo Komishanka AIDS-ku sida la sheegay suuqa ka qortay magacyada 12 xubnood ee lagu martiqaaday shirkaas oo sida qorshuhu yahay 4 maalmood ka socon doona Caasimada Dalka Jabuuti.

Waxaa kaloo la sheegay in Shirkan aanay jirin cid kale oo dooddiisa ku wehelisa Xubnaha ka socda Maamulka S/land, DKMG ah iyo Maamulka P/land, waxa loogu tala galay sidii Sharci loogu samayn lahaa Dadka Deegaanadaas ee qaba HV/AIDS.”

Sida lagu soo warramay waxaa Qorshaha Shirkan wado hay’adda UNDP waxaana qoorshahaas ku qoran in loo qabanayo shirkan dadka ku hadla Af-Soomaaliga, haddana Jabuuti waa laga saaray oo keliya waxa ka qaybgalay anaga kuwa Puntland metelaya iyo kuwa Soomaaliya ka socda,” ayuu yidhi mid ka mid ah xubnaha S/land laga martiqaaday.

Dhanka kale, waxaa 12-ka xubnood ee lagu casuumay dhinaca goleyaasha Baarlamaanka Maamulka Somaliland, waxay shalay kulan la yeesheen Masuuliyiinta Hay’adda UNDP u qaabilsan Barnaamijka AIDS-ka ee wada hawsha Shirkaa Jabuuti, waxaana la sheegay in xubnaha qaarkood ku adkaysteen in laga qayb galo shirkaa maalmaha soo socda ka furmaya magaalada Jabuuti, qaarkoodna ka caga jiidayeen.

SomaliSwiss      UNDP

SomaliSWiss@hotmail.com

%d bloggers like this: