Mid kamid ah maleeshiyaadka Xisbul Islaam oo degmada Afgooye ku dilay Dhaqtar, sigaar uu cabayay dartiis.

afgooye

Halkaan ka akhri

Mid kamid ah maleeshiyaadka Ururuka Xisbul Islaam ayaa Maanta meel fagaara ah ku dilay Nin Dhaqtar ahaa oo lagu magacaabo Dhaqtar Bidaarey, kaas oo loo dilay sigaar uu cabayey dartiis.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegayin Dhaqtarka uu ka madax adeegay amar uu ku bixiyey ninka dilka geystay, kaasoo si kulul oo ay hanjabaad ku jierta ula hadlay, farayna in uu si dhaqsa ah sigaarka u damiyo, taasoo uu diiday Dhaqtarka la dilay.

Is qab qabsi iyo gacan ka hadal kadib ayaa ninkii maleeshiyada ahaa ee ku hubeysnaa AK-47 waxa uu ku jeexay Dhatar Bidaareey rasaas, waxaana isla goobtaasi ku geeriyooday Dhaqtar Bidaareey oo ahaa Ditoor si aad ah looga yaqaanay degmada Afgooye.

Afhayeen u hadlay Xisbul Islaam oo lagu magacaabo Sheikh Cali Sheikh Cumar oo caawa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen ninka dilay Doctor Bidaareey, isla markaana ay marsiin doonaan waxa ay ka qabto Shareecada Islaamka.

Arrintan ayaa waxaa ay si aad ah uga fajicisay ugana nixisay Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Afgooye, kuwaas oo ka xumaaday waxa ka dhacay Maanta degmada Afgooye, waxaana ay dalbadeen in ninkaasi gacan ku dhiiglaha ah la horkeeno Shareeca Islaamka.

Kooxaha sheegta Islaamiyiinta ayaa waxaa lagu yaqaanaa seef la boodnimo sida dhacday Maanta oo kale, waxaana dad badan ay is weydiinayaan keebaa dambi ah sigaar la cabo iyo qof si bareer ah loo dilay.

Si kasta ha ahaatee dadweynaha ku dhaqan degmada Afgooye ayaa isla dhexmaraya erayo ay kamid yihiin “Ma xaqbaa mise waa Diin in qof sigaar looga joojiyo dil iyo maxeysa Xisul Islaam ka qaban doonaan ninkan gacan ku dhiiglaha ah.

SomaliSwiss Afgooye

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: