Halkaan ka akhri
Wararka naga soo gaarayaa magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan  ayaa sheegaya in saakay ay deggan tahay mid degan Xaaladeeda,  iyadoo xalay saqdii dhexe laga maqlay qarax xoogan oo magaalada oo idil gil gilay.
Sida lagu soo warramay in  abaarihii 2-dii habeenimo ee saqdii dhexe xalay uu qaraxan ka dhacay afaafka hore magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Dhanka kale wararku wuxuu intaa ku daraya in qaraxan ay ku dhinteen ilaa saddex ruux oo sida la sheegay ahaa dadkii dhigayay qaraxa, kuwaasoo cad cad noqday.
Sida ay sheegeen Dadka deegaanka Baladweyne  oo la hadlayay saaka waabarigii Idaacada afka Dowladda ku hadasha ayaa  sheegay in qaraxa uu ahaa mid aad u xooganaa, isla markaana waxyeelada soo gaaray dad ku sugnaa goobta uu qarax ka dhacay.
Sidoo kale magaalada Baladweyne oo aan wax maamul iyo ciidanba joogin ayaa waxay xaaladeeda tahay mid iska caadi ah, waxaana ay ka madax banaan tahay dhinacyada isku haya oo loolan ugu jiray maalmihii u dambeeyay.
Balse Xoogaga Xisbul Islaam ee dhowaanahan ku sugnaa magaalada ayaa isaga baxay shalay, kadib dagaalo labo maalmood ka dhacayay duleedyada magaalada looga itaal roonaaday.
SomaliSwiss     Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.