Halkaan ka akhri
Xoghayaha xafiiska Warfaafinta Ururka Xizbul Islaam Sheikh Maxmad Macalin Cali oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay aragtida Ururka Xizbul Islaam ee ku aadan baaqa Nabadeed ee Dowladda Liibiya.
Sheikh Maxmad Macalin Cali waxaa uu sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan dadaalo kasta oo xal loogu heylayo arrimaha dalka Soomaaliya, marka laga reebo arrimo ay qeyb ka yihiin Ururka IGAD, sida uu hadalka u dhigay.
Xogyahaha Xafiiska warfaafinta Ururka Xizbul Islaam ayaa ku eedeeyey Urur goboleedka IGAD in aysan qeyb ka ahayn arrimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Sheikh Maxamad Macalin cali ayaa sheegay goobaha ay ka taliyaan Ururka xizbul Islaam in ay ku dhaqeen shareecada Islaamka, kana dhigeen deegaano nabdoon, isagoo tusaale u soo qaatay deegaanada loo barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho iyo deegaanka Lafoole, Ceelasha Biyaha.
Si kasta ha ahaatee warkan kasoo yeeray Xoghayaha Warfaafinta Ururka Xizbul Islaam ayaa daba jooga hadal dhawaan ay sheegeen Ururka Al-Shabaab oo ay kaga hadleen aragtidooda ku aadan dadaalada dib u heshiisiinta uu qaban qaabinayo madaxweynaha dalka Libya Macummar Al-Qadaafi.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.