Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo Maanta magaalada Brussels ee wadanka Belgium kula kulmay Javier Solana.

Omar-Sharmarke-and-Javier-Saloona

Halkaan ka akhri

Omar-Sharmarke-and-Javier-Saloona

Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Madaxa Siyaasadda arimaha dibadda Midowga Yurub Javier Solana ayaa galabta kulan looga hadlayo arimaha Soomaaliya ku yeeshay Magaalada Brussales ee dalka Belgium-ka.

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya mar uu u waramayay wakaaladaha wararka ayaa sheegay in uu magaalada Brussels u tagay in uu madaxda Midowga Yurub kala hadlo sidii loo taageeri lahaa Dowladiisa iyo arimaha burcad adeeda Soomaalida ee dhibaatada ba’an ku haya maraakiibta ganacsi ee isticmaala xeebaha wadanka Soomaaliya.

Ra’isal wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan safaradooda, isagoona intaa ku daray in ay qorsheenayaan in ay tagaan qaar kamid ah wadamada carabta oo ay kamid yihiin wadamada Bahrain iyo Kuwait.

Javier Solana ayaa sidoo kale dhankiisa soo dhaweeyay Ra’isal wasaaraha  iyo wafdiga uu hogaaminayay, isagoona sheegay in midowga Yurub ay dowlada KMG Soomaaliya, ka caawinayso dhinaca maaliyada, islamrkaana Beesha Caalamka uu ugu baaqayo in ay bixiso lacagihii horay loogu balanqaaday dowlada KMG Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maalmihii ugu dambeeyay waxaa ay booqasho ku marayeen qaar ka mida dalalka reer Yurub, iyadoo ay dhowaan lasoo kulmeen madaxda dalka Ingiriiska, taasoo ay ku doonayaan in ay taageero ugu  helaan.

Miliband-Omar28-10-2009

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: