Laamaha Bankiyada ee Switzerland ay ku leedahay dalka Talyaaniga oo Xad-gudubyo loo geystay.

C. Ilaalinta Hantida

Halkaan ka akhri

Fal dhac iyo Xadgudub isugu jira ayaa shalay lagu sameeyey laamaha Bankiyada  Switzerland  ay ku leedahay dalka Taliyaaniga. Sidaas darteed, waxaa ka hadlay Pascal Couchepin oo ka tirsan Golaha Sare ee Federaalka Swiss-ka, ka dib markii shalay galab ay yeesheen wasiiradda  Federaalka.

Kukankan ayaa waxaa loogu hadalayey xad-gudubka lagu sameeyey Bankiyada Swiss-ka ee dalka Taliyaaniga, waxaana la sheegay in Dowladda Federaalka ay ashtako qoraal ah u gudbisay Safiirka Safaarada dalka Taliyaaniga ay ku leedahay magaalada Berna ee dalka Switzerland, si uu ugu sii gudbiyo dowladdiisa,sidaas waxaa shaaciyey Codbaahiyaha Golaha Federaalka André Simonazzi.

Pascal Couchepin oo Dowladda  Federaalka Swiss-ka uga Wakiilka ah arrintan ayaa warbaahinta uga hadlay xaalada dhacdadan, wuxuuna sheegay in Dowladdu ay si aad ah ugu dooday falka lagu sameeyey Bankiyadeeda, wuxuuna sheegay in thay wax laga xumaa falka ay ku galeen Ciidamada Ilaalada Hantida ee loo yaqaano (Guardia di finanza), wuxuuna intaa uu raaciyey in Golaha Federaalka uu arrintaas u arko mid Xadgudub ah, balse ay dowladda Taliyaani laga sugayaa waxa ay kaga soo jawaabto dhacdadaas.

Codbaahiyaha Golaha Federaalka Swisska André Simonazzi ayaa Caddeeyey in Swiss-ku il gaar uu kula socon doono waxa ku soo kordha iyo sida ay ku dhamaataba.

Sidoo kale André Simonazzi wuxuu sheegay in Madaxweynaha Kaltanka Konfederaalka Switzerland  Hans-Rudolf Merz ayaa xiriir toos ah kala leh Mas’uuliyiinta Konton Ticino,sii uu ula socdo waxa ku soo kordho Falka ka dhacay dalka Taliyaaniga, hase yeeshee Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Federaalka Micheline Calmy-Rey ayaa sheegtay in Swiss-ku uu ka dhowr sugayo Caddaymaha iyo jawaab-celintaDowladda Taliyaaniga.

 SomaliSwiss Swissinfo

Tarjume Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: