Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo sheegay in uu si gooni ah ula kulmay Madaxweyne Sheikh Shariif iyo Sheikh Xasan Daahir Aweys.

Halkaan ka akhri

Madaxweynihii hore dowladdii TNG-da Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa wareysi dheer siiyay idaacad kamid ah idaacadaha Muqdisho, waxaa uuna kaga hadlay qodobo dhowr ah.

Dr. C/qaasim ayaa ugu horeyn waxaa uu tacsi u diray dadka ku nool gobolka Banaadir dhibaatooyinka baaxadda leh ee ka soo gaaray dagaalada soo noq noqday, wuxuuna ku baraarujiyay ummadda Soomaaliyeed in dib loogu laabto Alle ka cabsiga si looga gudbo dhibaatada ka jirta caasimadda iyo gobolada intuba.

Dr. C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka dagaalada weli ka soo socda dalka gudahiisa oo dhaxeeya dowladda KMG iyo xoogaga ka horjeeda, isagoona muujiyay sida aadka ah ee uu uga xun yahay dhibaatooyinka ay dagaaladaasi u geesanayaan dadka shacabka.

Dr. C/qaasim Salaad Xasanoo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxa dalka ka socda iyo kuwa wada, ma jirto cid garwadeen ka noqon karto… hasa ahaatee waxaan si gaar gaar ah ula kulmay Madaxweyne Sheikh Shariif Sh. Axmed iyo Sheikh Xasan Daahir Aweys waxayna arrintu ku dhamaatay natiijo la’aan”.

Wuxuuna hadalkiisa intaa ku daray:”Wax walba waqtigii alle qadaro ayuu imaanayaa, dadaalkuna weli waan wadaa waana wadi doonaa inta aan noolahay oo dalkuna dhibaato uu ku jiro”.

Sidoo kale waxa uu C/qaasim Salaad Xasan soo dhoweeyay dowladda Libya oo sheegtay in ay shir dib u heshiisiin u qabaneyso dhinacyada ku muransan arrimaha Soomaaliya.

“Hadii Libya ay door qaadaneyso waa qeyr u soo kordhay ummadda Soomaaliyeed, waa dad walaalo ah Libya”, wuxuu intaa ku daray “m/weynaha Libya waa waajib saaran ka shaqeynta nabadda Soomaaliya maadaama uu yahay hogaanka Midnimada Afrika”.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: