Dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo Hubka waaweyn oo Saakay ka qarxay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Gaalkacyo

Halkaan ka akhri

Dagaal xoogan ayaa Saaka ka qarxay gudaha Suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kadib markii ciidan kasoo talaabay dhinaca Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ay weerar bambaano ah ku qaadeen Gaadiid ay lahaayeen ciidanka Puntland.

Weerarka Bambaanada kadib ayaa ciidanka Puntland oo gurmad ah ay soo gaareen halkii uu dagaalka ka qarxay, kadibna waxaa la is weydaarsaday hubka waaweyn ee madaafiicda rida.

Baryahan ayaa Ciidanka Puntland waxaa ay ku guda jireen duminta dhismayaal sida ay sheegeen sharci daro ah oo ku yaala Suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka Maanta ayaa waxaa uu sababay tiro dad ah oo aan lacayimin oo ku dhaawacmay iska horimaadka, iyadoo dhaawacyada intooda badan loola cararay isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale dagaalka Maanta ayaa lagu soo waramayaa in uu dhaawac kasoo gaaray masuuliin sare oo ka tirsan Maamulka Puntland.

Si kasta ha ahaatee xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa maanta ah mid kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in uu dagaalka isku badalo mid qabiileed, waxaa iminka la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ka dhacaysa dhinaca khadka cagaaran ee u dhexeeya Puntland iyo GalMudug.

SomaliSwiss Gaalkacyo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: