Allaha u naxariistee waxaa Xalay Nairobi ku geeriyooday Macalin Nuur Maxamad Siyaad oo kamid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliya.

Sheikh Cismaan iyo Macalin Nuur Maxamed SiyaadINNAA LILLAAH

Halkaan ka akhri

Sheikh Cismaan iyo Macalin Nuur Maxamed Siyaad

Allaha u naxariistee waxaa xalay saqdii dhexe magaala madaxda wadanka Keya ee Nairobi ku geeriyooday Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo ka mid ahaa Culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya sida weyn looga yaqaanay, gaar ahaana caan ka ahaa gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo si weyn uga soo qeyb qaatay fidinta diinta Islaamka iyo ururinta dariiqooyinka ayaa si gaar ah waxaa uu ugu sii badnaa dhinaca Masaajida iyo dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah oo uu lahaa dugsiya badan oo isaga hoos yimaada, kuwaas oo ku yaalay Magaalada Muqdisho iyo goobo kale oo koonfurta ah.

Macalin Nuur Maxamed Siyaad

Waxaa kaloo Macalin Nuur Maxamed Siyaad si weyn loogu xasuusan doonaa dhulkii uu ugu deeqay dadka degan gobolka Banaadir si loogu aaso dhulkaasoo ku caan ah Magaca Qabuuraha Macalin Nuur oo ku yaala deegaanka KM13.

Macalin Nuur Maxamed Siyaad ayaa horaantii sanadkan loo qaaday dalalka Talyaaiga iyo Kenya, kadib markii uu la soo dersay Xanuun, isagoona ku sugnaa mudooyinkii u dambeeyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ugu dambeeyntiina uu xalay Saqdii dhexe ku geeriyooday Alle Ha U Naxariistee Macalin Nuur Waxa uu ifka kaga tagay Caruur fara badan oo isugu jira wuxuu isaga dhalay iyo waxay sii dhaleen.

Hadaan nahay bahda SomaliSwiss Radio and Website waxaan Tacsi Tiiraanya leh u direynaa guud ahaan Ummada Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah gaar ahaan Xertii, Qaraabadii, Qoyskii iyo Cullimada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Macalin Nuur Maxamed Siyaad, isagana waxaan Alle uga baryaynaa Naxariistii Janno in uu illaahey ka waraabiyo Aamiin – Aamiin – Aamiin.

SomaliSwiss Nayrobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: