Tartankii Ciyaaraha jaaliyadaha dalka Australia oo ay Jaaliyadda Soomaaliyeed wacdaro ka dhigtey..

Cayaartoy Austraalia1

Daawo  Sawiro kale

Halkaan ka akhri

Cayaartoy Austraalia4Cayaartoy Austraalia1

War naga soo gaaray Caasimada wadanka Australia ee Sydney ayaa sheegaya in Tartankii Ciyaaraha ee sanad walba loo qabto Jaaliyadaha ku nool dalkaasi ay Cayaartoyda jaaliyadda Soomaalieed guul aad u weyn ka gaareen, kulankii 2-aad ee tartanka jaaliyadaha ee pearth world cup socer 2009 ee ay ka qeybgalayaan ilaa 20 kooxood.

Cayaartoy Austraalia5Sida lagu soo warramay Jaliyadda Soomaalida ayaa waxaa ay guul-daro aad u culus ay huwiyeen ciyaartoyda jaaliyadda wadanka Ukrine kuna guuleysteen 10-2, taasi oo sida muuqata aad ay gacan sareeyeen jaaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale Jaaliyadda soomaaliya oo ay kulankaan ku soo biireen taageerayaal aad u fara badan ka dib markii la arkey ciyaar wanaagooda kulankii kan ka horeeyey ay soo bandhigeen ayaa waxaa ay si weyn ugu badiyeen Ukrine oo ay geeyeen afar gool,  waxaa kala dhaliyey weeraryanah (Xeetow), iyo khadka dhexe ciyaaryahanka uga dheela ee lagu magacaabo (Kaalow) halka labada gool ee kale uu saxiixey ciyaaryahan (Shiine).

 Cayaartoy Austraalia6

Kulankii kale ee guruubka ay soomaliya ku jirto waxaa wada ciyaarey jaaliyadaha Chile iyo Colombia waxaana 1-0 ku badiyey jaaliyadda Colombia, sidaa ayaana jaaliyada soomalia waxaa ay iminka guruubkooda ku hogaaminayaan ilaa 6 dhibcood,sidoo kalena dhinaca gool dhalinta ayaa isla ciyaartoyda soomaliya ay hogaaminayaan gaar ahaan (Kaalow) oo 6 gool ku hogaaminaaya tartanka.

Sida runta ah Ciyaartoyda Soomaalida ee ku dhaqan dibadaha ayaa waxaa ay muujinayaan dadaal aad u weyn iyaga oo ku guuleystey sidii ay u soo celin lahaayeen isla markaana u difaaci lahaayeen magaca somaliya waxaana mar kasta la maqlaa iyaga oo guullo ka keena tartamada jaaliyada ee ka dhaca qaaraddaha caalamka gaar ahaan yurub,waqooyiga ameerica iyo australia oo noqotey wadan si aad ah looga hadal hayo xidigaha soomalia ee ka qeyb gallaya tartamada dhinaca soccer world cupka sanadlaha ah iyo kan futselka sedney ka socdaba.

Cayaartoy AustraaliaCayaartoy Austraalia7Cayaartoy Austraalia3

SomaliSwiss    Sydney – Cabdul-Xafiid C/samed Zaciimka

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: