Halkaan ka akhri
Taliyihii ciidamada maamulka dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Hiiraan Cali Maxamed Geedi ayaa toogasho lagu dilay shalay oo Sabti aheyd galabnimadeedii isagoo ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.
Taliye Cali Maxamed Geedi ayaa koox hubeysan waxaa ay kala dageen gaari uu sarnaa isagoo ku sugan xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho, kadibna halkaai toogasho lagu dilay.
Taliye Cali Geedi ayaa markii u dambeysay waxaa uu ka tirsanaa saraakiisha Xisbul Islaam isagoo sidoo kale kamid ahaa saraakiishii maamulka dowladda KMG Soomaaliya ee u wareegay ururka Xisbul Islaam.
Taliyahaasi la dilay ayaa la sheegay inuu doonaayay in uu magaalada Muqdisho kula kulmo saraakiil ka tirsan Ururka Xisbul Islaam, waxaana la sheegay in Taliyaha laga soo hormariyay Telefon sida ay sheegayaan warar aanu kahelnay magaalada Baladweyne.
Si kasta ha ahaatee ma jiraan cid sheegatay mas’uuliyada dilkan sarkaalka Cali Maxamed Geedi, inkastoo wararka qaar ee aanu heleyno ay sheegayaan in dilkaasi ay kadambeeyaan kooxda Al-Shabaab.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.