Halkaan ka akhri
Ergayga Jaamacadda Carabta ugu qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Ibrahim Al-shuweymi, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters in Ururka Jaamacadda Carabta ay si qarsoodi ah u waday in muddo ah dadaalo uu ku dhex dhexaadinayo dowladda KMG iyo dhinacyda ka soo horjeeda tan iyo markii dib loo furay xafiiska jaamacadda Carabta ee Somalia July 2008.
Ergayga ayaa wuxuu sheegay in dhinacyada dowladda ka soo horjeeda ay ka cagajiidayeen dadaalada nabadda ee ay waday Jaamacadda Carabtu, sidaas darted waxaana idin sheegayaa in Siyaasadda Soomaaliya ay tahay mid aad u dhib badan, hase yeeshee marnaba  kagama rajo dhigi doono inaan dhexdhexaadino” ayuu yiri Ergeygu.
Sidoo kale Ibrahim Al-shuweymi oo hadalkiisa sii wato waxa uu yiri: “Waxaan la kulmaa dowladda soomaaliya iyo saraakiil ka socota mucaaradka”, wuxuuna intaas uu  raaciyay ee uu sheegay in nabaddu loo baahan yahay si markaasi looga doodo nidaamka dowladeed ee laysu xukumayo.
Waa in aan la daadin dhiig, waayo Soomaaliya waxay u baahan tahay waa nabad, nabadda ka dib ayay soomaalidu ka doodi kartaa waxa ay ku dhaqmayaan “nabadda ayaa shareecada ka horaysa, ayuu hadalkiisa raaciyay safiirka.
Dhanka kale wuxuu Ibrahim Al-shuweymi cadeeyay in jaamacadda carabtu aysan marna ka daali doonin xalinta dhibaatada Soomaaliya maadaaama Soomaaliya ay xubin ka tahay Jaamacadda Carabta.
Ergayga Jaamacadda Carabta ugu qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Ibrahim Al-shuweymi ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay u baahan tahay gargaarka biniaadanimada, balse waxaa aad u adkaatay ama la là yahay ciddii lagu aamini lahaa iyo nabaddii dadka tabaalaysan lagu gaarsiin lahaa waxyaabaha ay u baahan yihiin.
Ugu danbeyntii Ergayga wuxuu sidoo kale xusay  ee uu caddeeyey in shaqaalaha gargaarka ay ku adkaatay inay ka howlgalaan Soomaaliya.
Isha warka  Reuters
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.