Markab laga leeyahay dalka Shiinaha oo Koox Burcad badeed Soomaalida ah Afduubatay.

Markab R

Halkaan ka akhri

Wakaalada wararka ee dalka shiinaha ay sheegtay in Markab laga leeyahay dalka Shiinaha ay Koox Burcad badeed Soomaalida ah ay  ka soo afduubteen meel biyaha Soomaaliya u jirto ilaa 1000kun Km.

Waxaa Maalintii shalay ay Ciidamada Midowga reer Yurub ee la dagaalama Burcad badeeda ay xaqiijiyeen in kooxaha Burcad badeeda Xeebaha Soomaaliya ay Afduubteen markab Xamuul oo laga lahaa dalka Shiinaha iyagoo ka Afduubtay meel 550 meyl waqooyi galbeed kaga aadan Jasiiradd Shishalis, islamarkaana ka fog xeebaha Soomaaliya.

Joon Habor oo ah afhayeen u hadlay ciidamada Badda ee Midowga reer Yurub ayaa ka sheegay Magaalada Brussels ee dalka Biljimka in diyaarad ay leeyihiin ciidamada ilaalada badda ee midowga reer Yurub ee la dagaalama kooxaha burcad badeeda ay daba gashay markabka oo ay xaqiijisay in qiyaastii afar nin oo burcad badeeda Soomaali ah ay koreen markabka islamarkaana u soo dhaqaajiyeen dhinaca Soomaaliya.

Qof ka mid ah Burcad badeeda oo isna wakaaladda wararka Reuters kala soo xariiray magaalada Xarardheere ayaa waxaa uu xaqiijiyay in ay afduubteen markabkaasi laga lahaa dalka Shiinaha oo siday Shidaal iyo 25 shaqaale oo markabkaasi saarnaa.

Sida ay soo warisay wakaaladda wararka Reuters waxay sheegtay in Markabkaas lagu xiri doono dekadda Xarardheeresidoo kale Wakaaladdu waxay xaqiijiyay in Markabku uu siday Shidaal fara badan.

Sida ay xaqiijiyeen Ciidamada ilaalada Maraakiibta ee Midowga reer Yurub in Markabku ay jiidayeen labo laashash oo yar ya,r islamarkaana uu gacanta u galay kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Isha warka:   Reuters

SomaliSwiss@hormail.com

%d bloggers like this: