Madaxweyne Sheikh Shariif oo galabta Xarunta Madaxtooyada kulan xasaasi ah oo albaabada u xirnaa kula qaatay Golaha Wasiirada.

Xarunta Madaxtooyada - Kopie

Halkaan ka akhri

Warar goor dhaweyd naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu galabta  Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia kula qaatay Golaha Wasiirada kulan xasaasi ah, kaasoo ay albaabada u xirnaayeen.

Isu imaatinka Kulankan ayaa la sheegay inuu   ka dhacay Xafiiska Madaxweynaha ,waxaana ka soo qayb galay Wasiirada Dowladda uu horkacayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxaana looga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee dalka.

Warkan waxaa Saxaafadda  soo gaarsiyey markii uu kulanka dhamaaday, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada C/qaadir Barnaamij, wuxuuna  sheegay in Kulanka la isku weydaarsaday talooyin iyo fikrado.

Agaasimaha ayaa xusay in Madaxweyne Shariif uu uga warbixiyay Wasiirada socdaaladii uu ku soo maray qaar ka mid ah wadamada caalamka oo ay ka mid aheyd kulankii uu Magaalada New York kaga qeyb galay Shirkii Qaramada Midoobey.

Sidoo kale waxaa Kulanka lagu lafa guray xaaladaha siyaasadeed iyo ammaanka ee dalka, waxaana Madaxweyne Shariif warbixin ka siiyay Golaha Wasiirada intii uu dalka ka maqnaa waxa uu kala soo Madaxdii uu la kulmay.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: