Afhayeen u hadlay Ciidamada AMISOM oo sheegay in ay tagi doonaan meel kasta oo ka mid ah Soomaaliya.

AMISOM

Halkaan ka akhri

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ay tagi doonaan meel kasta oo ka mid ah Soomaaliya, iyagoo nabad Ilaalin ah, haddii ay  fasax ka helay  Ururka Midowga Afrika.

Sida uu sheegay Afhayeen u hadlay AMISOM in qorshahooda aanu aheyn oo kaliya in ay joogaan Magaalada Muqdisho oo kaliya, hase ahaatee uu damacooda yahay in iyaga iyo Dowladda KMG ay tagaan meel kasta oo ka mid ah magaalooyinka dalka.

Afhayeen u hadlay AMISOM oo ku sugan magaalada Muqdisho wuxuu intaa raaciyey ee uu yiri: “Anaga halkan waxaan u joognaa nabad ilaalin, qorshaheena ma ahan inaan iska fadhino, haddii ogolaansho aan helno waan tageynaa meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah”.

Dhanka kale Madaxweynaha Uganda ayaa horay u sheegay in loo baahan yahay in Ciidamada AMISOM lagu ballaariyo Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo, oo aan lagu ekeyn Ciidamada Magaalada Muqdisho kaliya.

Si kasta ha ahaatee  qoorshahan ayaa ah kii ugu horeysay ee Saraakiisha AMISOM ee ku sugan caasimada Muqdisho si cad u sheegaan in ay tagaan meel kasta oo soomaaliya ka mid ah, haddii laga helo ogolaansho Ururka Midowga Afrika.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hormail.com

%d bloggers like this: