Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare ee dowladda KMG oo sheegay in ay ka heleen wadamo badan deeqo Waxbarasho.

Prof. Ibraahim Xasan Caddow

Halkaan ka akhri

ardayda iyo madaxda Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare, Prof. Ibraahim Xasan Caddow ayaa sheegay in dowladda KMG ay deeqo waxbarasho ah ka sugeyso dowlado fara badan, wuxuuna intaas ku daray in wasaaraddiisu ay xiriiro kala duwan la sameysay dowlado badan, wuxuu sheegay inuu rajo ka muujiyay inay dowladahaasi si dhaqsi ah u soo wajaabaan Codsiga Dowladda KMG Soomaaliya

Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo arrimahaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Waxaa jiray deeqo waxbarasho oo si isdaba joog ah u soo gaarayay dowladihii hore waxaase ay mari jireen wadooyin qaldan”, wuxuuna intaasi raaciyey inuu balan qaadayo in wixii haatan ka dambeeya si cadaalad ah lagu bixin doono deeqaha waxbarasho ee laga helo dibadda.

Wasiirku waxaa uu sheegay deeqaha ay sugayso wasaaraddiisu in ay yihiin kuwo tago leh kana wanaagsan kuwii hoore, taasoo looga goleeyahay in looga faa’ideeyo ardayda Soomaaliyeed ee nasiibka u yeelatay waxbarashada laguna baraarujiyo kuwa aan waxbaran.

Dowladda KMG ayaa maalintii shalay aheyd  ayaa waxaa ay dalka Yemen u dirtay 40 arday, oo qeyb ka ah 90 arday Soomaaliyeed oo dowladda Yemen ugu deeqday in ay dalkeeda wax ku barayso.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: