Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo sheegay in dalka Soomaaliya ay joogaan dagaalyahano shisheeye…

Wasiirka arrimaha dibadda Cali Jaamac Jaangeli

Halkaan ka akhri

Cali Axmed Jaamac Jengeli  oo Dowladda KMG ah  Soomaaliya ugu qaabilsan Arrimaha Dibada ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay joogaan dagaalyahano shisheeye oo ka tirsan Ururka Al-Qaacida, isagoo muujiyay sida Dowladdiisa uga walaacsan tahay kororka shisheeyuhu.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Mr Jengali oo  wareysi uu siinayay Wakaalada Wararka ee Reuters  ayaa waxa uu sheegay in Alshabaab gabaad siineyso dambiilayaal shisheeye, isagoo ugala jeeday dagaalyahanada ka garab dagaalamay.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya  Calijaamac  Jengali  oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “In Al-Qaacida dalka joogto waxay cadaatay markii Shabaabku dhaheen Labayka Yaa Usaama”, wuxuuna  intaa ku daray in cajalado muuqaal oo ay soo saareen Shabaabka ku ajiibeen Usama Bin Laden.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa waxa uu eedeyn dusha kaga tuuray Dowladda Eritrea, isagoo sheegay in doorkeeda ku aadan qalalaasaha Soomaaliya ay ku mudan tahay in lagu ciqaabo.

Dhanka kale Dowladda KMG ayaa horay u sheegtay in Soomaaliya ku sugan yihiin dagaalyahano Ajaaniib ah, kuwaasoo ay ku tilmaantay inay hogaamiyaan dagaalada lagula jiro Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOm.

Isha  Warka:    Reuters

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: