Wasiirka Amniga oo sheegay in dowladda KMG ay ku howlan tahay wax ka qabashada amaandarida ka jirta Gobolka Banaadir.

Sambalooshe 

Halkaan ka akhri

Sida uu sheegay Waiirka Wasaaradda Amniga Qaranka ee dowladda KMG in dowladdu ay ku howlan tahay wax ka qabashada amaandarida ka jirta qeybo ka mid ah gobolka Banaadir gaar ahaan degmooyinka ay gacanta ku heyso dowladda KMG.

Sidoo kale Wasiirka amniga qaranka C/laahi Cali Max’ed Sanbaloolshe ayaa sheegay in ay ku howlan tahay dowladda KMG ee Soomaaliya sidii ay wax uga qaban laheyd arimaha amaanka islamarkaana ugu jawaabi laheyd cabashada dadka shacabka ee ku aadan falal amaan dari ee ka jira qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka ay gacanta ku heyso dowladda KMG.

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada intooda badan ay ku jiraan xeryo islamarkaana ay wax ka qabanayaan  amaan darida la sheegay in ay abuurayaan rag xiran dareeska ciidamada dowladda,isagoo tilmaamay in heerka  xaaladda amaan darida ay u muuqato mid laga bad badiyay.

Dhanka kale waxaa wax laga weydiyay wasiirka in qorshahaas ku aadan ciidamada lagu soo tababaray Wadamada dariska la ah Soomaaliya xiliga ay ku soo wajahan yihiin dalka waxaa  kaloo wax laga weydiiyay dhaq dhaqaaq ciidan aruuriska ah oo la sheegay in ay wado dowladda Kenya waxaa ay ka ogtahay dowladda KMG ee Soomaaliya ayuu arintaasi ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo.

Hase yeeshee Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ku howlaneed dhawaanahan sidii ay u wajihi laheyd sugida amaanka goobaha ay gacanta ku hayso iyadoo dagaalo ay kula jiraan xoogaga ka soo horjeeda kuwaasi oo ka dhaca meelaha ay fariismada ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM taasoo sababtay in dadka ugu badnaa ay ka barakacaan magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss   Beledweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: