Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif oo beeniyay in Wadanka Kenya dhalinyaro Soomaali ah loogu tabaraayo dowladda KMG.

Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.jpg1

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheikh Shariif sheikh Axmed ayaa beeniyay in dhalinyaro Soomaali ah ay dowladda KMG ku tabaranayso gudaha wadanka Kenya.

Sheikh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu maalmo ka hor safar kaga soo laabtay wadamo dhowr ah oo uu ku jiro Maraykanka ayaa waxaa uu sheegay in uu arimaha Soomaaliya kala hadlay madax ka tirsan Caalamka shir ay isugu yimaadeen Magaalada New Yorka ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu kala hadlay madaxdii ay is arkeen intuu ku dhex jiray Safarkiisa, sidii Soomaaliya looga saari lahaa dhibaatada ka jirta islamarkaana xal loogu heli lahaa dagaalada ka soconaya Soomaaliya iyo sidii gar gaar loogu fidin lahaa dadka ku barakacay gudaha dalka iyo sidii dowladu ay u heli laheyd taageero Caalami ah oo ay wax kaga qabato amaanka Soomaaliya

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa waxaa wax laga weydiyay warar la isla dhexmarayay oo ku aadan in dhalinyaro ciidan u noqonaya dowladda KMG  lagu tababarayo gudaha dalka Kenya ayaa waxaa uu sheegay in aysan waxba ka jirin arinkaasi islamarkaana looga been abuurtay dowladda KMG isago sheegay in aysan jirin baahi dowladda KMG ay dhalinyaro Soomaaliyeed ugu soo qorota gudaha dalka Kenya.

Sidoo kale waxaa Arintan ku soo aadeysaa xili qaar ka mid ah warbahinta Caalamka ay hadal hayaan in dowladda KMG ay dhalinyaro Soomaali kenyaati ah si ciidan ahaan ah ugu tababarayso gudaha dalka Kenya si ay uga bar bar dagaalam ciidamada dowladda oo dagaal kula jira xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: