Dad Ganacsato ah oo lagu dilay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Balaweyne

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray  magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in  xalay saq dhexe lagu dilay Saddex qof ganacsato ah, waxaana saaka halkaasi ka socda kulan loogu hadlaya  arrimaha la xiriira falkaas loo geeystay ganacsatada.

Sida ay noo soo sheegeen Rag goobjoogeyaal ah, in dilalka saddexda ganacsato ay ka dhasheen ka dib markii israsaaseyn ay dhex martay ragga la dilay iyo koox weerar aheyd gudaha B/weyn.

Ganacsatada la dilay, labo ka mid ah ay ahaayeen laba qof oo isla dhashay, iyadoo qofka saddexaad uu ka mid yahay ganacsatada magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Labada qof ee isla dhashay ayaa waxaa  magacyadoodu la kala yiraahdaa Cumar Axmed Nuur iyo Cali Axmed Nuur, halka midka saddexaadna la sheegay inuu la ahaa qaraabo.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka oo arrintan kulan ka yeeshay, ayaa waxaa ay sheegeen in ay kala tashanayaan saraakiisha Xisbul Islaam ee gobolka Hiiraan.

Dilkan Qorsheysan ayaa si weyn looga hadal hayaa Magaalada Baladweyne,  iyadoona uu ka dhacay dhinaca Bari ee magaalada, waxaana isa soo taraya dilka.

Balse lama yaqaano sababta loo dilay ganacsatada, waana markii ugu horeysay oo waayahan fal noocan oo kale uu ka dhacay gudaha magaalada Beledweyn.

Si kasta ha ahaatee Saddex qof ee xalay lagu dilay magaalada Beledweyne ayaa noqoneysa tiradii ugu badneyd ee isku mar lagu khaarijiyo gudaha Magaalada, waxaana arrintan ay sii horseedi kara  in dilalka qorsheysan oo dib uga soo curta.

SomaliSwiss   Beledweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: