Sarkaal ka tirsan ururka Xisbul Islaam oo lagu magacaabo Axmed C/raxmaan Odawaa (Taalibaan) oo lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha.

sh-muuse-cabdi-caraale

Halkaan ka akhri

Taliyihii Ururka Xisbul Islaam ee deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa Maanta subaxnimadii hore waxaa lagu dilay isaga iyo Askar lasocotay duleedka magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Axmed C/raxmaan Odawaa (Taalibaan), iyadoo aan la ogeyn cidda ka dambeysa dilkan loogeystay Sarkaalkan katirsan ururka Xisbul Islaam.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa uu sarnaa gaari isaga iyo ilaaladiisa, waxaana rasaas ku furay koox hubeysan isla markaana goobta ayuu ku geeriyooday, iyadoo rasaasta ay sidoo kale sababtay dhaawacyo soo gaaray dad rayid ah.

Xog-hayaha gaashaandhigga Ururka Xisbul Islaam, Sheikh Muuse Cabdi Caraale oo wax laga weydiiyay dilkan ayaa waxaa uu sheegay in la ogaan doono cidda ka dambeysa iyo sababtaba keenayba.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: