Sarkaal ka tirsan Uruka Xizbul Islaam oo lagu dilay inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye.

xisbul-islam

Halkaan ka akhri

Waxaa Saaka Subaxdii lagu dilay Allaha u naxariistee Sarkaal ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo ku sugnaa jidka u dhexeeya Muqdisho iyo degmad Afgooye ee Gobolka Sh/hoose. 

Koox hubaysan oo afka soo duubtay ayaa Sarkaalka waxaa ay toogteen xili uu saarnaa gaari Roondo ah oo taagnaa Ceelasha biyaha ee duleedka Magalaada Muqdisho.

Sarkaalka la dilay ayaan ilaa hadda magciisa aan hellin balse aan saacadaha soo socda dib idiinku soo gudbin doonaa hadiii Illaah Yiraahdo, waa sarkaalkii 2-aad ee Sitimaan gudihiisa laga dilo ururka Xizbul Islaam.

Wixii war ah ee kusoo kordha kala soco wararkeena dambe…

Somaliswiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: