Maamulka Puntland oo Shaaciyay in Idaacada VOA-da ay ka shaqeyn karto deegaanada Puntland.

idaacadda VOA-da

Halkaan ka akhri

Warar deg deg ah ee iminka na soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in dowlad goboleedka Puntland ay Fasaxday ka shaqeynta Deegaanada Puntland Idaacada Afka Soomaaliga ee VOA.
 
Kulamo sadex geesood ah oo ay wada qaateen Masuuliyiin ka socota Idaacadda VOA-da ee Safaartada Maraykanka iyo maamulka Puntland ayaa waxaa ka soo baxday in la fasaxo Shaqadii Wariyayasha Idaacada VOA iyo Barnaamijyadeediiba.
 
kadib markii ay mudo hakad ku jirtay baahinta wararka Idaacadda VOA oo ay baahinjireen idaacadaha FM yada ee ka shaqeeya Muntland, laguna amray degreeto ka soo baxday xafiiska wasaarada warfaafinta ee Puntland in ay weriyayaasha VOA-da ee Puntland aysan diri karin wax warar ah.

Dhowaan ayaa Maamulka Puntland waxaa uu ku eedeeyay Idaacada V.O.A qeybteeda Afka Soomaaliga in ay waraysatay nin isku magacaabay in uu afhayeen u yahay Ahlu Sunna Walajaamaca ururka la baxay ee ka dagaalama koonfurta Soomaaliya kaas oo la yiraahdo: Khaliif Cali Ciiraale kuna sugnaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.
 
SomaliSwiss Mustafa Cumar Abshir Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

>>Wariyeyaasha uga howl gala Idaacadda VOA ee Puntland oo shaqo joojin lagu soo rogay, (Akhri Digreetada laga soo saaray).

%d bloggers like this: