Deegaano ka tirsan Gobolka Bakool oo uu ka da’ay Roobab ay ku diirsadeen Dadka iyo Duunyadaba.

Roob daad biyo

Halkaan ka akhri

Roob daad biyo

Deegaano ka tirsan  Gobolka Bakool ayaa  ka da’ay Roobab ay ku diirsadeen Dadka iyo Duunyadaba oo abaaro xun ku jireen, hase ahaatee  Roob ka da’ay degmada Xuddur  iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolkaas ay mudooyinkan ka jireen xaalado abaareed.

Sida warku nagu soo gaaray Degmada Xuddur ayaa shalay waxaa ka dhacay dibadbax balaaran oo Alle looga baryay inuu raxmadiisu la soo gaaro siiyana roob, waxaana roobabku ay da’ayeen shalay gabal dhicii ilaa goor dambe oo xalay ah.

Dhanka kale qeybaha Bulshada ee ku nool degmada Xuddur iyo nawaaxigiida ayaa ka muujiyay dareen aad u wanaagsan roobabka ka da’ay deegaanadooda, iyagoo maalmihii u dambeeyay aad ugu walaacsanaa xaaladaha abaareed oo faro kulul ku hayay.

Si kasta ha ahaatee waxaa jira deegaano kale oo ka tirsan oo wali dadku helin Roobkaas, balse ay dadku si aad ah walaacsan ugu muujiyeen xaaladaha abaareed, waxayna rajeynaya inuu Alle la dul qaado dhibaatada abaareed iyo dagaallada.

SomaliSwiss     Xuddur

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: