Halkaan ka akhri
Jenéve – Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo Boostada dowladda KMG, C/risaaq Jurille oo ku sugan wadanka Switzerland ayaa wuxuu ka waramay kulan ay halkaasi ku yeesheen dowladaha deeqaha bixiya, isagoona sheegay inuu ka helay dowladahaasi balan qaadyo ku aadan in dowladda KMG ay ka taageerayaan dhanka isgaarsiinta.
“Waxaan fileynaa taageero dhaqaale… dowladaha aan la kulanay way badan yihiin waxayna arrintu tahay fursad aad iyo aad qaali u ah” ayuu yiri C/risaaq Cusmaan Jurille.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladaha deeqaha bixiya ay ka qeyb qaadan doonaan horumarinta adeegyada Isgaarsiinta ee dalka Soomaaliya, isagoona tilmaamay in ay jiraan lacago badan oo loo balan qaaday dowladdiisa si loogu fuliyo mashruucyo ku aadan horumarinta adeegyada isgaarsiinta dalka.
Sida la wada ogsoon yahay Dalka Soomaaliya ayaa muddo dheer ka socday dagaallo fara badan, welina ka taagan, waxaa dagaaladaas ay burburiyeen inta badan adeegyada bulshada, inkastoo dhinaca ganacsiga ay yihiin midka kaliya ee la dhihi karo waa uu ka bad baaday burburka, iyadoo ay dalku ka dhisan yihiin dhowr shirkadood oo qabta adeegyada isgaarsiinta.
SomaliSwiss Jenéve
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.