Daawo Sawiro kale
Halkaan ka akhri
BERNA – Shalay oo ahayd maalinta Oktoobar ugu kulul badan 30kii Sano ee ugu danbeysay, waxaa la sheegay in shalay buuraha Woqooyiga Alpi ay ahaayeen kuwo aad u kulul badan muddo hadda laga jooga soddameeyo Sano.
Kantonada ugu kul badnaa shalay ayaa waxaa ka mid ahaa magaalada Pratval oo ka tirsan Kanton Grigioni oo kulkeeda ahaa 29,7 grado, magaalada Delémont oo ka tirsan Kanton Giura oo kulkeeda ahaa 29,6 grado, sidoo kale waxaa kulkooda ahaa 28 gradi, Kantonada Coira, Basilea iyo magaalada Breitenbach ee kanton Solothon.
Sida ay sheegtay hay’adda Saadaalinta Hawada in Sanadkii hore waqtigan camal waxaa ka dà ’i jiray  Barafkii ugu horreeyey, balse bisha Oktoobar ee Sanadkan ayaa noqotay mid laga dareemay dalka Switzerland kul noocan la mid ah.
Dhanka kale magaalooyinka Sciaffusa, Payerne (VD) iyo Neuchâtel ayaa sidoo kale ay ahaayeen maalin aad u kul badan muddo hadda laga joogo 80 Sano.
Guud ahaan Xaraarada Kulka Cimalada Dalka Switzerland ayaa shalay waxay ahayd Sidatan :-
Adelboden 21 °C,  Bâle 25 °C , Berne 21 °C,  Coire 21 °C,  Crans-Montana 18 °C,  Davos 15 °C, Engelberg 16 °C,  Genève 23 °C, Interlaken 19 °C, La Chx-de-Fds 21 °C, Locarno-Monti 20 °C, Lucerne 20 °C, Lugano 20 °C, Neuchâtel 23 °C, Saint Gall 20 °C, Samedan 13 °C, Sion 22 °C, Zermatt 18 °C iyo Zurich oo ahayd 20 °C.
SomaliSwiss   METEO SUISSE
Tarjume Dhicisow
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.