Halkaan ka akhri
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa wuxuu warbixin u gudbinayay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo lagu sheegayo in dowladda KMG ee Soomaaliya ay si guul leh iskaga caabisay weerar uu sheegay inay ku soo qaadeen dad uu ku tilmaamay inay yihiin xag jir.
Ban Ki Moon wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Somalia ay wali wajahayso dhibaatooyin farabadan oo ay ka mid yihiin kuwa amaanka gaar ahaan afduubka iyo dilalka qorshaysan oo ah kuwo si aad ah u soo badanaya.
Sidoo kale Xoghayaha Guud wuxuu caddeeyey in rabshadaha oo sii labalaameen dalka Soomaaliya awgeed ay ka dhigtay in gargaarka biniaadanimada la gaarsiin waayo dadka ka soo barakacay dagaalada ka socda qaxbo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Ban Ki Moon ayaa ka codsaday Beesha Caalamka inay isgarab taagaan dowladda somalia isagoo carbka ku adkeeyay taageerada uu u hayo dowladda Somalia iyo howlgalka Amisom ee Somalia.
Dhanka kale Ban Ki Moon wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Somalia ay bilihii la soo dhaafay meesha ka saartay qatar ku aadan jirtaankeeda oo ka imaanaysay xooggagga ka soo horjeeda isagoo ugu baaqay inay howsheeda halkeeda ka sii waddo ka dib markii ay hanatay taageerada gudaha iyo tan dibadda.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon wuxuu amaan u soo jeediyay howgalka Amisom ee Somalia oo ku tilmaamay mid muhiim ah, wuxuuna arrintaad ka yiri:”Amisom waxay door muhiim ah ka qaadatay iska caabinta ka dhanka ah xooggagga dowladda ka soo horjeeda waxayna wali sii wadaa inay ilaaliso hay’adaha muhiimka ah ee dowladda somalia”sidoo kale wuxuu hadalkiisa raaciyay xoghaya guud ee qaramada midoobay Ban Ki Moon.
In kastoo ay wali jiraan dhibaatooyin farabadan, hadana Ban Ki-moon wuxuu sheegay in la sameeyay horumar dhiirigalin leh gaar ahaana dhinacyada dibu heshiisiinta qaran,dhisidda ciidamada amaanka somalia iyo waliba diyaarinta dastuur qaranku yeesho.
Xoghayaha guud wuxuu ugu baaqay dhinacyada hubaysan ee somalia hubka dhigaan kuna biiraan hanaanka nabadda iyagoo eegaya maslaxadda dalkooda.
Ugu danbayntii wuxuu walaac ka muujiyay falal danbiyeedyada somalia sida tahriibinta hubka iyo maandooriyaha taasi oo keentay inay badani lacago ka sameeyaan nabadana ay caqabad ku noqdaan isagoo intaasi ku daray inaan arimahaasi loo dulqaadankarin, wuuna Beesha Caalamka ugu baaqay inay gacan ka gaysato sidii wax looga qaban lahaa falal danbiyeedyadaasi oo uu ku tilmaamay ku dhib ku ah somalia iyo ghobolka.
Isha Warka Xarunta QM
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.