Halkaan ka akhri
Afhayeenka Ciidamada Booliiska dowladda KMG Soomaaliyeed C/llaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in kooxaha Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda Dowladda KMG Soomaaliya ay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan in ay qaraxyo kula beegsadaan xarumaha Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya.
C/llaahi Xasan Bariise oo arrintaasi ka digaya in ay dhici karto ayaa yiri, “Waxaan maqalnay in kooxaha Mucaaradka ay sameynayaan gaadiid u muuqaal eg, Ambulance-yada ka shaqeeya Muqdisho iyo gaadiidka Booliiska si ay ugu adeegsadaan qaraxyo ay la beegsadaan xarumaha ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG Soomaaliya”.
Afhayeenka ciidanka Boliska ayaa sidoo kale ka hadlay shirkiisa jaraa’id qoraalo digniin ah oo lagu daadiyay shalay albaabka hore ee Isbitaalka Madiina, waxaana uu sheegay in ay baaritaan ku hayaan kooxihii ka dambeeyay warqadaha lagu daadiyay Isbitaalka hortiisa.
“Waan baaraynaa waana ugu tagaynaa meel walba oo ay joogaan kooxihii daadiyay qoraaladaasi ka dhanka ah Isbitaalka Madiina” ayuu yiri Col. C/llaahi Xasan Bariise, isagoona intaasi ku daray in hayaan xog kadambeysa oo sheegeysa in ay ka dambeeyaan kooxaha Mucaaradka ee ka soo horjeeda Dowladda KMG Soomaaliya.
Dhanka kale waxa uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Boliska in dowladda KMG Soomaaliya ay dadaal weyn ugu jirto sugidda ammaanka guud ahaan Magaalada Muqdisho oo uu sheegay inuu yahay mid ka soo hagaagaya sidii hore.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.