Galbeedka magaalada Baladweyne oo ay ka dhaqan gashay Jaamacadii ugu horreysay ee uu yeesho Gobolka Hiiraan.

Baladweyne university.jpg4

Daawo Sawira kale

Halkaan ka akhri

Waxaa Dhawaan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan gaar ahaan dhinaca galbeedka laga furey Jaamacad lagu magacaabey Beledwein University, waxa ayna noqoneysaa Jaamacadii ugu horeysay oo Gobolka ka hana qaada

Xilligan Jaamacadu waxay ka kooban tahey Saddex Kuliyadood oo kala ah:-

Kulliyada Sharciga

Kulliyada Waxbarashada

 – Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha.

Dhamaan Saddexda Kuliyadood waa ay shaqeeyaan, labada gelinna Jaamacada waa la dhigaa, waxa ayna dhan yihiin Ardeyda ilaa iyo hadda iska diiwaan gelisay 65 Ardey, walina qorida Ardeydu way socotaa maalin walbana Ardey cusub ayaa ku soo biirta, sida uu inoogu waramey Ustaad Maxamed Muuse oo Xiriirka guud Jaamacada ugu qaabilsan.

Jaamacada oo furan dhowr bil, waxaa uu Maamulkeedu ku guuleystay Maktabad kooban oo Ardeydu ka faa’iideysan karaan inuu hirgeliyo.

Waxaa la filayaa Beledwein University kaalin weyn inay ka ciyaarto kor u qaadida heerka aqooneed ee Shacabka Gobolka Hiiraan iyo guud ahaan Gobolada dhexe.

Jaamacadu, waxay gacan iyo taabo gelin uga baahan tahey Shacabka Gobolka dal iyo dibadba meel ay ku nool yihiin iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, si yoolalka ay hiigsaneyso ugu hir galaan.

intaasi kadib waxaan idiinkugu bishaareynayaa mar dhaw in aan idiin soo bandhigi doono inta arday ee jaamacaad dhigata ee gudaha soomaaliya joogta tiro koobkooda iyo kuliyaadka aay dhigtaan ee u dhalatay Beesha Gaal-jecel si aad ula socotaan waxa ka jira gudaha somaliya.

 

Mideeda kale waxaad ogaataan hadafka aan tiigsanayno in lagu gaari karo in laga dhiso dadkaani Xagga aqoonta iyo Caafimaadka.

Waxaa kaloo aad ogaataan in horumarka ka jira gudaha soomaaliya isku tashi ay sameeyeen Aqoonyahanada,waxgaradka iyo Qurba joogta.

Waxaa xusid mudan in Beledwein University ay maanta tahay mu’asasa wax barasho oo ka qeyb qaadanayso kobcinta dhaqaalaha iyo bulshada, sidaasi darteed waxaa muhiim ah in Qurba joogta u dhalatay Gobol Hiiraan  ay ka qeyb qaadataan suura galinta howlaha hoos ku qoran:

1- In la qabeeyo Jaamacadda, sida:

a-xafiisyada (computer-da iwm.)

b-kuliyadaha (computer-da,projector-da labab-ka iyo maktabadda)

2- Waxaa kaloo xusid mudan in maamulaka jaamacadda uu  hadda dagan tahay guri aad ciriiri u ah kirana ah sidaasi darteed waxaa muhiim ah in la helo dhul iyo dhismo ay jaamacadda leedahay taasina waxay u baahan tahay in aay is garabsadaan wax garadka Gudaha iyo Dibadaba.

 

Geelsom Hotali@windowslive.com

SomaliSwis@hotmail.com

%d bloggers like this: