Wariyeyaasha uga howl gala Idaacadda VOA ee Puntland oo shaqo joojin lagu soo rogay, (Akhri Digreetada laga soo saaray).

Puntland state

Halkaan ka akhri

Digreeto ka soo baxday xafiiska Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee puntland Mudane Cabdishakuur Mire Adam ayaa Maanta xafiiskiisa ka soo saarey wareegto shaqada looga joojinaayo, Warbaahinta gaar ahaan wariyeyaasha Idaacadda V.O.A.

Amarkan ayaa si toos ah ugu socda dhamaan weriyaasha ka hawgala dowlad goboleedka Puntland ee u shaqeeya Idaacadda V.O.A iyo cidkasta oo isku dayda in ay war u tebiso V.O.A.

Amarka ka soo baxay Mudane Cabdishakuur ayaan lagu caddeyn sababta shaqada looga joojinayo, waxaase uu cuskadey xeerka saxaafadda Puntland kaas oo soo baxay sanadkii 1999-kii.

Warar aanu ka helayno ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Idaacada V.O.A qeybteeda Afka Soomaaliga in ay waraysatey nin isku magacaabay in uu afhayeen u yahay Ahlu Sunna Walajaamaca ururka la baxay ee ka dagaalama koonfurta Soomaaliya kaas oo la yiraahdo: Khaliif Cali Ciiraale kuna sugan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Inta badan weriyaaasha ka howl gala deegaanada Puntlansd ayaa ah kuwo la kulma, Xarig Jirdil iyo falal ka dhan ah xoriyada Saxaafada xorta ah ee dunida, Aduunka ayaa u aqoonsaday dalka Soomaaliya sanadkan in uu yahay goobta ugu khatarta badan ee uu Saxafi ka howl galo Dunida oo idil.

Halkan ka akhri qoraalka ay soo saartay WWIH&DH Puntland

Wareegtada puntland

SomaliSwiss Mustafa Cumar Abshir Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: