Dugsiga dhexe ee Kanton Uri oo albaabada loo laabay, Sabab Jirada Hargabka Doonfaarka.

Doonfaar

Halkaan ka akhri

virus A(H1N1), 2 ALTDORF –Waxaa lagu soo warramayaa inKanton Uri uu ku soo kordhay Cudurka Hargabka Doonfaarka , sidaas darteed waxaa Albaabada loo laabay qaar ka mid ah Dugsiyada dhexe ee Kanton-ka, gaar ahaan degmada Silenen, halkaas oo la sheegay in ardayda dhigata Dugsigaas lagu arkay inay qaadeen Jirada Hargabka Doonfaarka,

virus A(H1N1),Xafiiska Caafimaad Dowladda Federaalka dalkan Switzerland ayaa warbixin caddeynaysa arrinta Jirada Hargabkaas ka bixisay, waxayna sheegtay in baaris ka dib la ogaaday in 83dii Ardayba laga helay 33 Arday oo qaba jirada Hargabka (virus H1N1), sidaas awgeed la amray in dugsiyada la xiro.

Dugsiyada Akbaabada loo laabay ayaa waxaa ka mid ah dugsida dhexe  iyo Hoose  ee degmada Silenen iyo Bristen , sida uu sheegay Mas’uul u hadlay Xafiiska Caafimaadka ayaa caddeeyey in sababta loo xiray dugsiyadaas ay tahay in cabsi laga qaba inuu Jirada Hargabka  Doonfaarka uu ku sii faafa Ardayda dhexdooda, sidaas darteed waxaa waaladiinta Ardayda lagu amray in Caruurtooda guryaha ku hayaan ilaa Amar danbe ka soo baxo.

Isha Warka Swissinfo

SonaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: