Dagaal culus oo barqanimadii Maanta ka qarxay magaalada xeebta ah Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Kismaayo2

Halkaan ka akhri

Waxaa maalmahan ka jiray magaalada Kismaayo dhaq-dhaqaaq oo cabsi aad u weyn geliyey bulshada ay ka qabeen in dagaal uu ka dhex qarxyo dhinacyada isku diidan habsami u socodka maamulka degmada Kismaayo, ayaa waxaa maanta barqadii ka billaamay dagaalkii la filayey oo hadal hayntiisii noqotay mid laga fursan waayay.

Sida lagu soo warramaydagaalkan oo qarxay saaka waabarigii ayaa  barqadnimadii aad u kukulaaday, waxaana isaga soo horjeeda  ee u dhaxeeyaa dhinacyada Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab Al-Mujaahidiin, waxaa ay isku adeegsanayaan hubka culculus iyo rasaasta noocyadeeda kala duwan, sida ay wararka nagu soo gaarayaan.

Qof ka tirsan dadka deegaan ayaa sheegay in aroortii Saakay ay dadweynuhu la soo tooseen daryanka madaafiicda cul-culus iyo dhawaaqa Rasaasta.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka socda aagag fara badan, balse uu ka bilawmay xaafadda Farjano, halkaasoo fariisimo xoogan ay ku lahaayeen xoogaga Xusbul Islaam, iyadoo weli aan soo bixin warar ka hadlaya khasaaraha inta uu la egyahay.

Si kasta ha ahaatee, dagaalkan ayaa laga cabsi qabaa inuu saameyn ballaaran ku yeesho goobo kala duwan oo ka mid ah gobolada dalka, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam oo shalay la hadlayay warbaahinta isagoona ka digay in xabad laga bilaabo.

SomaliSwiss Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: