
Halkaan ka akhri
Taliska Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay ku biiritaan Sheikh C/raxmaan macow uu ugu biiray Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah ururada Mucaaradka ee la dagaalama dowladda KMG Soomaaliya.
Taliye ku xigeenka Ciidankaas dhanka Amanka ee gobolka Hiiraan ee dowladda KMG Salaad Xareed oo u waramayay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in hadalkii shalay ka soo yeeray gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Sheikh C/raxmaan Ibraahim Macoow ee ahaa inuu ku biiray Ururka Xisbul Islaam isagoo ku sugan gobolka Hiiraan.
Hase yeeshee Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in arintaas ay tahay mid isaga u gaar ah gudoomiyaha gobolka Hiiraan, islamarkaana laga filan karay isagoo sheegay in markii horaba uusan wax xil ah ka heyn gobolka Hiiraan, balse uu ahaa nin reer Hiiraan ah qof walbana uu xor u yahay arigtidiisa.
Sidoo kale Taliye ku xigeenka dhanka amaanka gobolka Hiiraan ee dowlada KMG ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin duleedka Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan islamarkaana ay tagayaan gudaha Magaalada Baladweyne ayna rajaynayaan in ay gaaraan degmooyin kale ee gobolka Hiiraan ah.
Sida uu sheegay Salaad Xareed in markii hore ay ka mid ahayeen maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan dad ay u heysteen in ay ku fakir yihiin dowladda, balse hadda markii ay ogaadeen ka dib ay isku soo hareen dad ku wada fikir ah dowladda KMG.
Si kasta ha ahaatee hadalka Taliye ku xigeenka dhanka amaanka gobolka Hiiraan ee dowladda KMG ayaa imaanaya xili shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Baladweyne Sheekh C/raxmaan Ibraahim Macoow oo horay uga baxay dowladda KMG uu ku sheegey in maamulkiisa uu ku biiray Ururka Xisbul Islaam oo dagaal kula jira dowladda KMG ee Soomaaliya.
SomaliSwiss Baladweyne
Filed under: SomaliSwiss |








































































































You must be logged in to post a comment.