Bayaan ay soo saartay Xarakada Al-Shabaab oo ay Shuruudo adag ku xirtay sii deynta sargaalkii Farannsiinka ahaa.

shabaab

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegaya inay Sharuudo adag ku xirtay sii deynta sargaal Farannsiin ahaa oo dhawaantan ay ku afduubteen Magaalada Muqdisho.

Warkan oo ay Saakay soo saareen hogaanka sare ee  Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab, islamarkaana ku aadanaa sii deynta Sargaalka Faransiiska ee gacanta ugu jira ayaa waxaa sharuudo adag loogu xiray dowladda Faransiiska xoriyad siinta sargaalkaasi Faransiika.

 Bayaanka Warkan oo ahaa mid qodobo badan ka kooban ayaa waxaa loo qaybiyey qaar ka mid Idaacadaha ka howl gela magaalada Muqdisho sida  Idaacada Shabelle wuxuuna Bayaankaas  u qornaa sidaan hoos ku qoran.

 Ku: Bayaan ku aadan sii daynta Sarkaalka Faransiiska ah.

Ummada  Muslimka ah  meel kasta oo ay joogto waxay maanta maraysaa marxalad aad u adag  iyadoo ay isugu soo habar wacdeen cadow oo idil, cadowgaas oo xasuuq u gaysanaya dad birimagayda ah, xabsiyadiisana ay ka buuxaan dad aan wax danbi ah lahayn, burburin baaxad lehna ku wada dhamaan wixii hanti ah oo ay ummadu lahayd, wadamada ay dhibaatada darani ka taagantahayna waxaa ka mid ah: Soomaaliya, Falastiin, Ciraaq, Afghanistaan, Kashmiir, Jejniya, Aljeeriya iyo meelo kale oo badan.

 Iyadoo sidaas ay tahay hadana  waxaa ka go’an Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab sii wadista Jihaadka ay ku doonayaan in dhibta ay kaga dulqaadaan  Ummadooda  Soomaaliyeed ee Muslimka ah .

 Allaahii ina abuurtay fadligiis Mujaahidiintu waxay ku guuleysteen howlgal ay kusoo qabteen Sarkaal Sare oo katirsan nabadsugida dalka Faransiiska.

Sarkaalkan ayaa ahaa mid matalayay Sirdoonka wadanka Faransiiska, wuxuu Soomaaliya u yimid si uu xog ku saabsan ummada Soomaaliyeed iyo hogaankeeda Mujaahidiinta ah  u soo ururin lahaa uguna gudbin laha Dalkiisa, uuna gacan uga gaysan lahaa samatabixinta Saliibiyiinta loogu magac daray Amisom, sidoo kale in uu ka qayb qaato taageerida Dowladda Ridada ah ee uu hogaamiyo Shariif, isagoo u tababarayay ciidamo gaar ah  oo Nabadsugid ah oo ay kula dagaalamaan Mujaahidiinta, iyo isaga oo ceelalyo u ah Maraakiibta dagaal ee uu Faransiisku soo dhoobay Xeebta Soomaaliya eek u teedsan Badweynta Hindiya iyo Gacanka carbeed.

Hadaba  si uu sarkaalkaasi Xoriyadiisa dib ugu helo waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab hordhigayaan dowlada Faransiiska dhowr qodob :

 Qodobada Shuruudaha waxaa ka mid ah

1-     Waa in ay dowladda Faransiiku joojisaa dhamaan wixii kaalmo milatari iyo mid siyaasadeed ah oo ay siiso  Dowlada Ridada ah ee Shariif, wadankana kala baxdaa dhammaan la taliyeyaasheeda xagga Amaanka.

2-     Waa in  dowlada Faransiisku ka saarto Dalkeena ciidamada   Saliibiyiinta ah ee Amisom gaar ahaan kuwa Burundi.

3-     Waa in ay la baxdaa dhamman sharikadaheeda xagga amaanka ah ee ka hawl gala gudaha Soomaaliya.

4-     Waa in ay la baxdaa dhamaan Maraakiibteeda dagaalka ee ku sugan xeebaha wadanka Soomaaliya.

5- In Dowlada Faransiisku ay sii dayso  dhamaan Maxaabiista Mujaahidiinta   ee sida xaqdarada ah ugu xiran xabsiyo farabadan oo ku kalayaalla meelo kala duwan oo aan dib ka soo sheeegi doonno insha’allaah.

Hogaanka sare ee  Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: