Taliyaha Ciidanka Boliiska Cabdi Qeybdiid oo shaaciyay in Wadada Km4 ee magaalada Muqdisho laga mamnuucay ka ganacsiga qaadka.

C. Qaybdiid.bmp1

Halkaan ka akhri

Taliyaha Ciidanka Boliiska dowladda KMG General Cabdi Qeybdiid oo maanta barqadii shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in ay mamnuuc ka tahay ku ganacsiga qaadka isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.

Genraalku wuxuu sheegay in howlgalo laga bilaabayo hareeraha isgoyska Km4 kaasoo la xiriira ammaanka sidii wax looga qaban lahaa.

Sida la sheegay Shalay ayay aheyd markii isgoyskaasi meel aan ka fogeyn ay askar dowladda KMG ah ku dileen hal qof kaasoo ay eedeeyeen “in uu damacsanaa in uu waxyeelo u geesto ciidamada dowladda KMG.

Qaraarkan ayaa wuxuu noqonayaa Amarkii ugu horeeyay oo dowladda KMG ay kaga mamnuucdo ku ganacsiga qaadka goobaha ay ka maamusho caasimadda, Muqdisho.

Hase yeeshee Amarkan ma ahan kii uga horreeyey ee ay dowladdu ku mamnuucdo, base waxaa horay u jiray Awaaniir loogu mamnuucay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho in loogu ganacsado qaadka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: