Gudoomiyiha Maamulka Gobolka Hiiraan C/raxmaan Macow oo shaaca ka qaaday in ay Dowladda KMG ah kala noqdeen Taageerada.

baladweyne

Halkaan ka akhri

Gudoomiyiha Maamulka Gobolka Hiiraan, DKMG ah ugu qaabilsanan, C/raxmaan Macow oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtey Xarunta Gobolka ee Baladweyne ayaa ku dhawaaqey taageeradii inay kala laabtey DKMG ah ee uu hogaaminayo Sh Shariif Sh Axmed.

C/raxmaan Macow ayaa sheegay in Sababta keentay inay dib uga baxaan DKMG ah, ay tahay wada shaqeyn la’aan Maamulkoodu kala kulmay dhinaca Dowladda KMG.

Gudoomiyiha sheegtay inuu ka madaxbannaan yahay Dowladda KMG ayaa beeniyay, in intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho inaysan kala kulmin ama aysan jirin arrin ku aadan wada shaqeyn iyo taageero Dowlada xagga dowladda ah aan wax ka helin, ka dib kulamo kale duwan oo uu la qaatey Madaxda sar sare ee Dowladda KMG ah.

Maamulka Gobolka Hiiraan oo hogaanka u haya  C/raxmaan Macow ayaa sheegay in xilligan wixii ka danbeeya uu Maamul u madax banaan arrimihiisa oo aanan hoos tegin DKMG ah.

Gudoomiyiha Maamulka Gobolka Hiiraan C/raxmaan Macow oo ka hadlay arrinta Ciidamada Gumeysiga Ethiopia ee Gobolka soo galey wuxuu sheegay inay isaga ka horeeyay, balse aanan arintooda waxba laga weydiin karin.

Hase yeeshee C/raxmaan Macow wuxuu ka tacsiiyeeyay dhibaatooyinkii kale duwan ee Ciidanka Maamulkiisu ka geysteen dhanka Galbeedka magaalada Baladweyne, wuxuuna sheegay inay aad uga xun yihiin, ha ahaatee aanan markale dib u dhici doonin falal noocaas ah.

C/raxmaan Macow Shirkiisa Jaraa’id ka hadlayey wuxuu yiri: “Waxaan maanta Shirkan Jaraa’id u qabaney oo Saxaafada isugu yeernay in Maamulkii Gobolka Hiiraan laga bilaabo Saacadan hadda aan hadlayo uu Maamulka ka baxey Dowladda KMG Soomaaliya ee uu Sheikh Shariif hogaamiyo, sidaa daraadeed waxaan rabnaa hadii ilaahey raali ka noqdo inay ogaadaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ama Duwalka Caalamiga ah ama Ururada Diineed ee Dalka ka jira in maanta laga bilaabo aanan ka tirsaneyn Dowlada Madaxweyne Sheikh Shariif, sidaa darteed waxaan rabnaa dadka in aan u sheegno inaan anagu ka Gobol ahaan u tashaneyno danaheyna iyo dhamaan arimaha Gobolka ayna u madax banaan yihiin cid kasta oo reer Hiiraan inay ka talo bixiso anagu ka Maamul ahaan aanu gaarsiineyno hadii xilli naloo soo qabtana aanu diyaar u nahey Reer Hiiraan inay u tashtaan arimahooda”.

Guddoomiyuhu waqtigii uu qabanayay shirka jaraa’id waxaa garab fadhiyay xubno ka mid ah Golaha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan oo sidoo kale arintan ku taageeray, balse ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxey Dowladda KMG ah, gaar ahaan xubnaha Xildhibaanada Barlamaanka ee ka soo jeeda G/ Hiiraan ee ku sugan Magaalada Baladweyne.

Sidoo kale lama oga sababta rasmiga ah ka danbeysa ee Maamulka Gobolka Hiiraan dib uga baxey DKMG ah, xilli ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo kale duwan oo ka jira Gobolada Hiiraan & Gal-gaduud, qeybna ka yihiin Ciidamada Gumeysiga Ethiopia, waxaase jira warar sheegaya Maamulku inuu abaabulayo Maamul Goboleed madax banaan.

SomaliSwiss   Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: