Ciidamadii Ethiopia oo Maanta ka baxay magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

SOMALIA ETHIOPIA

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadii Ethiopiaanka ahaa ay ka baxeenMagaalada, kuwaasoo dhowr maalmood ee ina soo dhaaftay ay ku sugnaayeen duleedka iyo gudaha magaalada Baladweyne.

Ciidamada Ethiopia ayaa la sheegayaa inay haatan ku sugan yihiin deegaanka Kalabeyr ee duleedka galbeed ee gobolka Hiiraan.

Dadka degan magaalada Baladweyne ayaa dareen wanaagsan ka muujiyay dib u u noqashada cutubyada ka tirsan ciidamada Itoobiya gudaha gobolka Hiiraan.

Wararka kale ayaa sheegaya in la arkayay ciidamadaas iyo gawaarida gaashaaman oo ay la socdeen in ay u jiheysteen dhanka xukuuda ee dalka Ethiopia.

Si kasta ha ahaatee Xaaladda magaalada Beledweyn ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii ciidamadan ay gudaha u galeen magaalada gudaheed maalinimadii Jimcaha, hasa ahaatee haatan ayaa lagu soo waramayaa in ay xaaladdu si tartiib-tartiib ah dib ugu soo hagaageyso.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: