Halkaan ka
Waxaa Caasimada Dalka Liibiya ee Tarapolis ka Furmaya maanta oo Isniin ah Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika loogana Munaaqashoonayo Xasaradaha ka taagan Qaarada oo ay ugu horeeyso Soomaaliya, Gobolka Daarfoor ee Suudaan iyo Meelo kale.
Sida caadada ahayd waxaa kulanka madaxda ka horeyndoona kulamo ay yeelan doonaan wasiiro oo ay kaga Baaraandagayaan  isla markaana ku Dajinaya Jadwalka Shirka iyo waxa looga doodayo.
Kaaliyaha Wasiirka Arimaha Dibada dalka Masar Muna Cumar ayaa sheegtay in shirka looga hadli doonaa Khilaafaka u dhexeeya Suudaan iyo Chad waxaana lesyku dayi doonaan in Heshiis la dhexdhigo Madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir iyo kan Chad Idirid Deybi.
Sidoo kale Muna Cumar ayaa Carabka ku adkysay in arrinta Soomaaliya looga hadli doono Tiro Afkaar iyo Hindiseyaal ah oo ku aadan Xallinta Mushkilada Soomaaliya, waxayna intaa ku daray in Go’aano wax ku ool ah laga Qaadan doono.
SomaliSwiss  Tarapolis
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.