Wasiirka kaluumeysiga & Kheyraadka Badda ee DKMG ah oo ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada Ciidan ee degmada B/weyne.

ibbi.jpg3

Halkaan ka akhri

Wasiirka Wasaarada kaluumeysiga & Kheyraadka Badda ee DKMG ah C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa Maanta wuxuu Shir Jaraa’id ku qabtey Magaalada Muqidsho, wuxuuna ka warbixiyay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka jira Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale C/raxmaan Ibbi ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadey falal Dil, Dhac iyo dhibaateyn kale isugu jira oo shaley Ciidamada DKMG ah oo kaashanaya kuwa Gumeysiga Itoobiya ka geysteen Dhanka Galbeed ee Magaalada Baladweyne.

Balse wuxuu sheegay in shaley halkaas ay  howl-galo ka fuliyeen Ciidamada Dowladda Galbeedka Baladweyne, hase yeeshee ma uusan sheegin inay kaashanayeen Ciidamo Ehiopiaan ah iyo in kale.

Dhanka kale Wararka ka imaanaya magaalada baladweyne ayaa sheegaya in howl-galadaas dhibaateyn kale duwan loogu geystay dadka rayidka ah ee halkaa ku dhaqan ayuu bogaadiyay, sida uu shirka jaraa’id ka sheegay.

C/raxmaan Ibbi ayaa wuxuu kale sheegay in gudi baaritaan ku soo sameeya loo saarayo hadiiba ay jiraan falal amni daro iyo dhibaateyn oo la gula kacay dadka rayidka ah.

Si kasta ha ahaatee Mas’uuliyiinta u hadley DKMG ah ayaa ilaa iyo hada runta ka sheegin dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee Gobolka Hiiraan ka jira oo u muuqda kuwo si uga gaabsanaya inay carabka ku dhiftaan in Ciidamada Gumeysiga Ethiopia ay kal qab galeen, kuwa dowladda.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: