Halkaan ka akhri
Afrax Cali Afrax oo ah Taliye xigeenka Ciidanka Darwiishta ee Dowladda KMG, ayaa sheegay in ay bedeli doonaan Ciidanka haatan ku sugan kontaroolii Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.
Balse dadka qaar ayaa sheegay in Ciidanka hadda laga beddelaayo ay  ka tirsan isla dowladda KMG,Kuwaas oo dadku si aad ah uga cawdaan dhibaatooyin ay kala kulmaan oo isugu jira falal baarasho iyo dhac bareer ah.
Sidoo kale lama oga waxa uu ka bedeli karo qorshahan la doonayo in ‘ciidanka-burcadda’ looga wareejiyo gacan ku heynta kontaroolkii Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.
Afrax ayaa waxaa uu sheegay in ay isku mid tahay haddii iyaga lagu wareejiyo maamulka kontaroolkaasi iyo inkale, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in ay wax badan ka qaban doonaan cabashada ka soo yeeraysa dadka iyagu isticmaala wadada hormarta kontaroolkii Afgooye.
Si kastaba ha ahaatee, Taliye xigeenka ayaa, waxaa uu beeniyay warar sheegaya in khilaaf uu ka dhashay qorshahan la damacsan yahay in lagu kala bedalo ciidanka ku sugan kontaroolkii Afgooye ee magaalada Muqdisho duleedkeeda.
SomaliSwiss     Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.