Baaq Nabadeed: Oday dhaqameedyada Gobolka Sh/dhexe oo ku baaqay in la joojiyo xiisada colaadeed ee ka taagan Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Peace dove

Halkaan ka akhri

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka gobolka Sh/dhexe ayaa waxay ku baaqeen in la joojiyo xiisada colaadeed ee ka taagan Xadka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Magaalada Jowhar ayaa la sheegay in Baaqan ay ka soo jeediyeen Odayaasha ku dhaqan gobolka Sh/dhexe, wuxuuna ka danbeeyay kadib markii uu cirka ay isku shareereen Xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanada ku yaala Xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Nabadoon Sheikh Cali Yuusuf oo ah Gudoomiyaha Odayaal dhaqmeedyada Gobolka Sh/dhexe oo ku sugan Magaalada Jowhar islamarkaana la hadlay qaar ka mid ah  Idaacada ka howl gela Gudaha Soomaaliya ayaa waxa uu baaq u jeediyay dhincyada Colaadaha ay ugu dhaxayso deegaanada ku yaala Xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe gaar ahaan beelaha ka soo kala jeeda gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo baryihii ugu danbeeyay Colaado ay ka dhax taagnaayeen.

Sidoo kale Gudoomiyuhu ayaa waxa uu ugu baaqay labada dhinac in Colaadaha ay joojiyaan islamarkaana gogol nabadeed ay isugu yimaadaan.

Hase ahaatee Baaqan ka soo baxay Odayaal dhaqameedyada magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe ee ku aadan in la joojiyo xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaano ku yaala xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalmahan xiisad daran ay ka jirto deegaano farabadan oo ku yala xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe kuwaasoo la sheegay in ay isku u gaarsanayaan labo meelishiyo beeleed oo ka soo kala jeeda gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo colaado ay u dhaxeeyaan.

Sida la sheegay Xiisadahan ayaa waxay sababeen in dad farabadan oo u badnaa dhalinyaro deegaanadoodu ay ka cararaan kuwaasoo ka cabsi qaba in si aargoosi ahaan loo dilo.

Balse Labadan beelood ee colaadaha u dhaxeeyaan ayaa waxa ay yihiin beelo in mudo ah halkaasi dagaal isukulajiray.

Si kasta ha ahaatee dhacdadii ugu danbeyasay ee beelahan isu gaystaan ayaa waxa ay ahayd kadib markii maalmo ka hor Masjid ku yaala deegaanka Ceelbaraf kooxo maleeshiyo beeleed weerar ay ku qaadeen halkaasoo 1-ruux ay ku dileen tiro kalana ay ku  dhaawaceen taasoo sababtay in xiisada labadaasi beelood cirka ay isku sii shareerto.

Dhanka kale ilaa iyo iminka ma jirto gogol nabadeed oo u taala labadaasi beelood marka laga reebo baaqyadani la jeedinayo.

SomaliSwiss      Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: