Halkaan ka akhri
Anigoo ka tirsan Qurba-joogtada Beesha Gaaljecel, waxaa wax laga xumaada ah oo aad Foolxumada in lagula kacaayo dhaqan xumada dadka ka Tirsan Beelweynta Gaaljecel ee Gobolka Hiiraan gaar ahaan dadka deggan Galbeed magaalada Baladweyne.
Sidaas darteed, haddii aan ka mid ahay Qurba-joogtada Beesha Gaaljecel, waxaan halkaan ka soo jeedinaynaa baaq Cambaareyn ah ee ku wajahan Beesha Xawaadle oo soo Geshatay Shaarka Dowladda KMG, soona wadatay Ciidamada Cadowga ah ee Ethiopia;Â ujeedada ka danbeysana ay tahay in duulaan lagu barakicinaayo lagu qaaday, Beesha Gaajecel iyo Beelaha kale ee deegaanka Hiiraan dega, Sida Beelaha ku abtirsada Gugundhabaha iyo kuwa kaleba.
Haddaba, haddii aan ahay Qurba-jooga Beesha Gaaljecel waxaan u sheegayaa Beesha Xawaadle oo sheeganaysa inay keligeed deggen tahay G/Hiiraan ee wadata  siyaasadda Huwan sheegashada dhulka inay ka waantoobaan, taasi waxaa ku fashalmay Madaxweynihii Dowladdii Hore C/laahi Yuusuf oo Ethiopiyaanka u soo adeegsaday in lagu Barakiciyo Beelo ka mid ah Hawiyaha.
Beesha Gaaljecel waxay waligeed ahayd beel ka shaqaysa nabadda, balse waxaa u sheegaynaa Qabaa’ilada Soomaalida in marka hore Dhulku uu leeyahay Ilaahigii na abuurtay, hase yeeshee waxaan Beesha Xawaadle u sheegaynaa, haddii aan la is tixgelin oo aan laga shaqeynin deris-wanaag, inuu Gobolku ahaan doono meel aan ka dhamaanin dagaalada, balse nabadda waxay ku jitraa, is-xaq dhowr iyo nabad ku wada-noolaansho.
Baaqan waa Fariin aan u diraayo Walaalaheen Beesha Xawaadle gaar ahaa Waxgaradkooda in la joojiyo gumaad qarsoon iyo Siyaasadda Dahsoon ee ay la damacsan yihiin dadka deegaanka, waxaa habboon in si caddaalad iyo Is-xurmayn ku jirto wax loo kala qaybsado, loona wadaago Maamulka deegaaneyd ee G/Hiiraan, balse is-jiijiid nabad kuma timaado.
Ugu danbeyntii waxaan guud ahaan Soomaalidu u sheegayaa in magac kasta oo la soo huwda ama la sheegto ay tahay  Siyaasad Xukun doon ah, sida Is-bahaysi Qabiil, magac Hoggaamiye kooxeedka iyo magac Diineedka, Sida: Al-shabaab, Xisbul Islaam Al-Islaax iyo  Al-Itixaad,  waxay dhammaantood ay huwan yihiin Siyaasad Xukun doon ah.
Haddaba maxaa dan u ah Soomaaliya iyo Soomaalida ? Tani Waa Su’aal ay inta badan ee soomaalidu ay og-tahay, balse jawaabteeda had iyo jeer la garab maro oo indhaha laga qabsado, hase yeeshee waxaan waxgaradka Soomaaliyeed u sheegayaa inay xoogga Saaraan sidii si wanaagsan loogu jawaabi lahaa Su’aashaas!!!!.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah ugu hambalyeynayaa in Ramadaankaan Ramadaankiisa Allaheennu nagu gaarsiiyo nolol iyo Nabadgelyo taam ah iyo Qaranimadii Dowladeed iyo kla a danbeyntii ay Umadda Soomaaliyeed ay lahaan jirtay ay dib ugu noqota ayaa uga ducaynayna.
Waxaa Qoray Dr. Axmed Dhicisow Daa’uud
SomaliSwiss     Zürich
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.