Roobab mahiigaan ah oo lagu diirsaday oo ka da’ey magaalada Muqdisho oo idil, si fiicanna ugu biyo dhigay

Roobab Mihigaan ah.bmp2

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya magaalada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya  in saaka ay Xaaladeeda degan tahay , iyadoona roobab mahiigaan ah oo lagu diirsaday ka da’een magaalada oo idil,kuwaasoo wadooyinka ay dhigeen biyo.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa Saaka ku soo tooseen Roobab Mihigaanka , hase yeeshee waxaa gaadiidka ay ahaayeen  kuwo si dhib ah ku marayay wadooyinka, kadib markii ay biyo fariisteen.
Inkastoo xaalada magaalada tahay mid degan, ayaa hadana waxaa daqiiqad kasta suura gal ah in dhinacyada isku haaya caasimada ay dhex marto dagaalo ama duqeymo caado noqotay xilli kasta.

Sidoo kale magaalada ayaa xalay aheyd mid degan oo aanay jirin wax dagaalo ah oo ka dhacay qeybaha la isku horfadhiyo ee magaalada, waxaana jawiga saaka uu yahay mid ka badalan jawiyadii hore.

Dhanka kale Ciidamada Dowladda oo kaashanaya AMISOM iyo Xoogaga Ka soo horjeeda ayaa ah kuwo isku hor fadhiya qeybaha kala duwan ee magaalada, waxaana mararka qaar dhex mara dagaalo lagu hoobto oo shacabka ka soo gaara qasaaro xoogan

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: