Halkaan ka akhri
Ciidamo Ethiopiaan ah oo ay weheliyaan Ciidamo Soomaali ah ayaa Saaka si dagaal la’aan ah kula wareegay Guud ahaan magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ka dib markii ay Shalay 05:00 galabnimo soo galeen dhinaca Bari ee Magaaladaasi.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in Xarakadda Shabaabul Mujaahidiina sheegeen inay si xeeladaysan xalay dib uga gurteen Baladweyne isla markaana ay ku suganyihiin Meel aan ka dheerayn Magaalada.
Warbaahinta Gobolka Hiiraan ayaa sheegtay in Ciidamada Ethiopia ay Xalay Magaalada u Talaabeen dhinaceed Galbeed iyaga oo sii maray Buundo weyn.
Ciidamada Ethiopiyaanka ayaa la sheegay inay hor socdeen Ciidamo Soomaali ah ee ay soo tabobareen waxayna baaritaano Guri Guri ah ka bilaabay Galbeedka Magaalada.
Sidoo kale Ciidamadan ayaa la sheegayaa inay Askar badan ku daadiyeen Wadooyinka isku xira Xaafadaha Magaalada.
Sida uu sheegay Qof ku sugan Deegaanka Feer-feer kana tirsanaan jiray Milatarigii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamo lagu qiyaasay 3 Guuto ay Doraad, Shalay iyo Xalay ka soo Ruqaansadeen Feer feer una soo talaabeen dhinaca Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale waxaa Baryahanba Ciidamada Ethiopiaan ah ay Fariisimo ku lahaayeen Qeybo kala duwan oo ka tirsan Duleedka Baladweyne kuwaas oo kala ah:- Garoonka Ugaas Khaliif, Buurta Janta kundisho, Ceel-gaal iyo isgoyska Kalabeyrka.
Dadka ku dhaqan Magaalada Baladweyne ayaa la sheegayaa inay la soo gudboonaatay Cabsi xoogan oo ay ka qabaan inay Tacadiyo kala kulmaan Ciidamada Gumeysiga Itoobiya sidii ay horey uga barteen, waxaana aad u yar Dhaq-dhaqaaq ay sameynayaan Dadka Shacabka ahi maadaama ay Ciidamadu Alasay hore ku soo Jarmaadeen.
Hase yeeshee wali ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca DKMG ah oo ku aadan Faragalintan Shisheeye, lamana oga sida ay ku danbeyn doonto Xaalka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
SomaliSwiss   Baladweyne
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.