Madaxweyne Sheikh Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo Saaka ka degay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Sheikh Shariif sh.jpg3

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waabarigii saaka ka degay Magaalada Dubai ee dalka isuy taga Imaaraadka Carabta, iyadoona Madaxweyne si diiran loogu soo dhoweeyay.

Sheikh  Shariif oo ka soo kicitimay Magaalada Doxa ee dalka Qadar oo uu gaaray maalinimadii Khamiista ayaa Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibada Cali Axmed Jaamac Jengli iyo xubno kale.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweyne Sheikh Shariif  loo fidiyay Rooga cas ee loo dhigo Madaxweynayaasha,iyadoo Mas’uuliyiin Sarsare oo ka tirsan Imaaraadka Carabta ay si diiran ugu soo dhoweeyeen Garoonka Dubai  International Air Port.

Sida runta Madaxweynaha ayaa wuxuu dadaal xoogan ugu jira sidii taageero ugu heli lahaa dalalka Carabta, isagoo doonaya inuu dib u soo nooleeyo xiriirka Carabta iyo Soomaaliya oo mudooyinkii u dambeeyay ku jiray mad madow.

Waxaa la filayaa in Wafdiga Madaxweynaha ay la kulmi doona Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta,iyadoo lagu wado in taageero dhaqaale uu uga ka heli doono dalkaas, waxaana Imaaraadka Carabtu ka mid aheyd dalalka carabta ee dhaqaalaha faraha badan ugu yaboohi  jiray Dowladda Soomaaliya.

SomaliSwiss    Dubai

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: