Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo wareysi dheer siiyey TV-ga AlJazeera, ugana hadlay Arima badan.

Somalia's President Sheikh Sharif Sh Ahmed

Hoos ka dhageyso wareysiga oo Video ah

Halkaan ka akhri

 

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Ahmed ayaa waraysi dheer siiyey TV-ga Aljazeera ee xaruntiisa tahay dalka Qadar, wareysigaasi oo lagu weydiiyay Su’aalo dhoor ah, waxaa uuna u dhacay wareysigaasi sida tan:-.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa wareysigaasi lagu weydiiyey waxa ay ku kala duwan tahay dowladiisa iyo dowladdii hore Madaxweynihii ka horeeyey C/laahi Yuusuf Ahmed, maadaama ay wada sheegayaan in kooxaha la dagaalamaya ay yihiin kuwa xiriir laleh Ururka Al-Qa’ida.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa laweydiiyay safarkii uu ku tagay dalka Ethiopia iyo taageerada uu ka helo dowladda Mareykanka.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa waxaa kaloo la weydiiyey sida uu u taageersan yahay kooxda suufiyada ah ee Ahlu Sunna Aljameeca, waxaana uu sheegay in ay soo dhaweynayaa dagaalka ay kula jiraan kooxaha Mucaaradka ee Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa waxaa la weydiiyey in uu war ka hayo Sadexda Nin ee Argagixisada ah ee la doon doonayo, kuwaas oo kala ah, “Abu Dhalxa Sudani”, “Ranzi Fowzi” iyo “Nabhaani” kuwaas oo loo haysto in ay ka danbeeyeen Qaraxyadii ka dhacay magaalada Nairobi iyo Dar Al Salaam 1998, waxaa uuna sheegay in ay war ka haynin ragaasi.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa la weydiiyey sababta hortaagan in ay heshiiyaan iyaga iyo Sheikh Xassan Daahir Aweys iyo Dr. Cumar Iimaan, waxaa uuna ku jawaabay in Sheikh Xassan Daahir iyo Dr. Cumar Iimaan midkoodna uusan rabin in la wada hadlo, balse dhinacooda uu furan yahay wada hadal oo ay gacan furn kusoo dhoweynayaan.

Madaxweyne Sheikh Shariif Sh. Ahmed ayaa waxaa la weydiiyey in ay danbi tahay hadii ay koox ama qof ka mid noqoto Al-Qaacida, waxaana uu ku jawaabay in Ururka Al-Qacida uu yahay Urur argagaxiso ah khalkhalna galiya shacabka aaminka man hajka ay ku socdaana waa mid khaldan islaamna shaqo kuma leh, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu danbeyntii ayaa madaxweyne Sheikh Shariif waxaa la weydiiyey ciidamada AMISOM ee waardiyaha ka haya madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo meela kale oo muhiim ah iyo wakhtiga ay baxayaan, wuxuuna ku Jawaabay in ay ka dhursugayaan oo kaliya in dalka lanabadeeyo kadibna ay iska tagayaan hadii uu wadanka Nabad Noqdo.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa laweydiiyay meesha ay ka bexeen ciidankii dowladda KMG iyo kuwii MMI kuwaas oo uu madaxweyne Sheikh Shariif sheegay in ay joogaan oo ay difaacyada hore ku jiraan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Halkaan ka Daawo Wareysiga oo Video ah

%d bloggers like this: